𝐍𝐎𝐐𝐎 𝐐𝐎𝐅 𝐍𝐀𝐅𝐓𝐈𝐈𝐒𝐀 𝐖𝐀𝐗𝐓𝐀𝐑𝐀, 𝐃𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐊𝐀𝐋𝐀𝐍𝐀 𝐖𝐀𝐗𝐓𝐀𝐑𝐀. (𝐇𝐀𝐍𝐊𝐀𝐀𝐆𝐔 𝐇𝐀 𝐍𝐎𝐐𝐃𝐎 𝐌𝐈𝐃 𝐀𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐊𝐔𝐆𝐔 𝐗𝐄𝐄𝐑𝐀𝐍 𝐖𝐀𝐗𝐓𝐀𝐑𝐀𝐘𝐀).
Rasuulka Naxariis iyo Nabadgalyo horkiisa ha ahaatee, wuxuu amaanay dadka waxtarka dadka u leh, wuxuuna dadka waxtarka leh ku daray kuwa dadka ugu khayrka badan, isaga oo suubanuhu yiri;
"خَيْرُ النَّاسِ أَنْفَعُهُمْ لِلنَّاسِ"
"Dadka waxaa ugu khayr badan, kuwooda waxtarka u leh dadka."
Xadiiskaan iyo kuwa lamidka ah, waxay nagu dhiirigalinayaan in aan noqono dad waxtar leh, kuwaas oo wax ku soo kordhiga dadka ay la noolyihiin, sidaa darteen, ma haboona ka qof Muslim ahaan in aad ka shaqayso wax dadka wax u dhimaya, ama aad ahaato qof aan waxtarlahayn oo bulshada culays ku ah.
Riwaayad kale, waxay warinaysaa, in Rasuulka ﷺ uu u yimid nin isla markaana uu waadiiyay, Rasuulkii Allaw, dadka yaa loogu jecelyahay Illahay agtiisa? Rasuulku ﷺ wuxuu ugu jawaabay; "أحبُّ الناس إلى الله أنفعهم للناس" "dadka waxaa loogu jecelyahay Alle agtiisa, kuwooda waxtarka u leh dadka."
𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐭𝐚𝐚 𝐪𝐨𝐟 𝐰𝐚𝐱𝐭𝐚𝐫𝐥𝐞𝐡?
1. 𝐔𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐚𝐲𝐧 𝐧𝐚𝐟𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢: noqo qof aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaanba diyaarsan, waayo haddii aad labadaan midkood aad la'dahay waxay ka dhigantahay in aad adigu u baahantahay in wax lagu taro, sidaa darteed dadkale waxaad tari karto waxay noqon kartaa mid iska kooban.
2. 𝐍𝐨𝐪𝐨 𝐪𝐨𝐟 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐭𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐚: haddii qoyskaaga, qaraabadaada, saaxiibadaa iyo guud ahaan ay jiraan dad taageero u baahan, ha ka hagran wixii aad awoodo, Alle wuxuu aayada 2-aad ee suuratu Al-maa'idda wuxuu ku leeyahay;
{وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ}
"Mu'miniineey isu kaalmaysta samaynta khayrka, iyo Alle kacabsiga, hana isugu kaalmaynina dembi, macaasi, iyo ka tallaabidda xuduudda Alle."
3. 𝐊𝐮 𝐝𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥 𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐚𝐝𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚: waxaad ku dadaashaa bixinta sadaqada mideeda waajibkaa iyo middeeda aan waajibka ahayn, adiga oo siinaya dadka masaakiinta ah, ee ay shareecadu amartay in la siiyo. Rasuulku wuxuu yiri;
"وَمَنْ كَانَ فِي حَاجَةٍ أَخِيهِ كَانَ اللَّهُ فِي حَاجَتِهِ"
"Qofkii u istaaga in uu buuxiyo baahida walalkii, Alle ayaa isagana baahidiisa daboolaya"
4. 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐟𝐚𝐚'𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞: bar oo uga faa'iidee dadka kale, wixii aqoon ama cilmi ah ee aad taqaano, waayo aqoontaada oo aad uga faa'iidayso dadka kale, waxay ka dhigaysaa in ay sameeyaan hormar iyo kobac. Rasuulku wuxuu yiri;
"بلغوا عني ولو آية"
"Iga gaarsiiya, walaw haba ahaatee hal aayad"
Suubanuhu ﷺ, wuxuu nagula dardaarmay in aan ummadiisa qofwalba wixii awoodiisaa uu rasuulka ka gaarsiiyo, hal aayadba ha ahaatee, marka aqoontaada oo aad ugu tabarucdo dadka kale, waxay kaa dhigaysaa in aad gudanayso dardaarankii Rasuulka ﷺ.
𝐔𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐧𝐛𝐚𝐲𝐧, qaadista tilaabooyinka aan kor ku soo xusnay, waxay kaa dhigayaan, qof waxtar u leh, naftiisa iyo guud ahaan bulshada. Waxaadna kamid noqonaysaa dadka Alle agtiisa loogu jecelyahay sida aan ku soo aragnay xadiith kore.
{وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا اَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا}
"Qofkii bedbaadiya naf uu Alle xarrimay dilkeeda, waxa uu la mid yahay qof nooleeyay dadka oo idil." Ayaada 32-aad ee suuratu Al-maa'ida.
Halkaan waa Baraarujin, waxaan u taaganahay, baraarujinta iyo kobcinta bulshadeena, nagu soo biir oo qayb ka noqo safarkeena.