Halis ayuu galay khayraadka Somalia: Maxaa Turkiga loo siiyay 90% shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah? qoraalkan oo caddeymo wato u sii share garee asxaabtaada.
Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u shaaciyay heshiis dhanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah oo ballaaran, kaasoo lagu saxiixay 7-dii Maarso 2024 magaalada Istanbul. Heshiiskaas ayaa hadda loo gudbiyay baarlamaanka Turkiga si loo ansixiyo, waxaana uu si buuxda u caddaanaya in Turkigu helayo xuquuq gaar ah oo uu si toos ah u maamulan karo 90% wax soo saarka shidaalka Soomaaliya.
Qodobbada ugu Muhiimsan ee Heshiiska:
Turkiga kuma bixinayo wax kharash horudhac ah: Ma jirto lacag saxiix, horumarineed ama wax kale oo la bixinayo si loo helo xuquuqda shidaalka – tani waa mid aan caadi ahayn marka loo eego heshiisyada caalamiga ah.
90% Shidaalka iyo Gaaska: Turkiga ayaa sannad kasta dib u heli doona ilaa 90% shidaalka uu soo saaro si uu uga bixiyo kharashaadka sahminta iyo soo saarista. Soomaaliya waxa kaliya ee ay heli karto waa 5% royalty (canshuur) — taasoo ah mid aad u hooseysa.
Xuquuqda Dhoofinta iyo Dakhliga: Turkiga ayaa xor u ah inuu shidaalka iyo gaaska ka iibsado suuqyada caalamka, isagoo aan Soomaaliya wax dhaqaale ah ka siin dakhligaas. Dakhligana waxa lagu hayn doonaa dibadda.
Awood Wareejin: Shirkadda Shidaalka Turkiga (TPAO) waxay xaq u leedahay inay heshiiska u wareejiso cid kale iyada oo aan shardi looga dhigin inay xafiis ku furato Soomaaliya.
Difaaca Maalgashiga & Ciidan la Keenayo: Heshiisku wuxuu Turkiga siiyay awood uu ciidankiisa ugu keeni karo Soomaaliya, kharashkaasna waxaa lagu dari doonaa kharashaadka laga bixinayo shidaalka (cost recovery). Waxaa la filayaa in markabka Oruç Reis oo ay ilaaliyaan 5 markab dagaal Turkiga ah uu bilaabo hawlgalka sahminta badda Soomaaliya laga bilaabo Sebtembar 2025.
Garsoorka & Xallinta Murannada: Haddii uu muran dhaco, waxa lagu xalin doonaa maxkamad caalami ah oo fadhigeedu yahay magaalada Istanbul, taasoo siinaysa Turkiga gacan sare oo sharciyeed.
Iskaashi Ciidan & Badbaadinta Badda: Heshiisku wuxuu xoojinayaa ballanqaad hore oo bishii Febraayo la saxiixay, kaasoo u ogolaanaya Turkiga inuu qayb ka noqdo tababarka ciidanka badda Soomaaliyeed iyo difaaca xeebaha.
📊 Tirada Xogta Shidaalka Soomaaliya:
6 Bilyan m³ gaas dabiici ah oo la xaqiijiyay (proven reserves).
30 Bilyan foosto oo shidaal ah oo suurtagal ah in laga helo xeebaha Soomaaliya.
🇸🇴 Ma Khasaaro Mise Fursad?
In kasta oo dowladda Soomaaliya sheegtay in heshiiska uu ixtiraamayo madax-bannaanida kheyraadka dalka, haddana dad badan ayaa ka walaacsan saameynta uu heshiiskani ku yeelan karo masiirka dhaqaale ee dalka, maadaama faa’iidada laga helayo ay aad u yar tahay marka loo eego waxa laga bixinayo.
Aragtidaada hoos nagula wadaag siina gudbi Share
Eng. Abdishakur Mohamed